Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii Raaskambooni oo qaraxa lagu dilay


Askar taagan goob uu qarax ka dhacay (Sawiro hore)
Askar taagan goob uu qarax ka dhacay (Sawiro hore)

Inta la xaqiijiyey gudoomiyaha deegaanka Raaskambooni ee hoos yimaado degmada Badhaadhe ee gobolka Jubadda hoose iyo Afar qof oo kale ayaa ku geeriyoodey miino gaarigii way wateen kula qaraxdey xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Gudoomiye Cabdullaahi Diiiriye, saddex ilaaladiisa iyo darawalkiisa ayaa dhintey markii miinada oo dhulka la aasey ay haleeshay gaariga.

Sarakiil booliis oo ku sugan magaaaladda Dhoobley ee Jubbadda Hoose ayaa VOA u xaqiijiyey weerarka iyo dhimashada gudoomiyaha Raaskaambooni, waxaana ay sheegeen in baaritaano wadaan wali oo ay beri ka jawaabi doonaan.

Al-Shabaab ayaa boggagooda warbaahinta ku sheegtay mas’uuliyadda weerarka, ayaga oo sheegay in ay ku dileen askar Kenyan ah oo guddoomiyaha la socdey

XS
SM
MD
LG